Israel oo Aqbashay Danjiraha Somaliland u Fadhiisanaya Tel Aviv.

Hargeysa- Xukuumadda Israel ayaa shaacisay inay si rasmi ah u aqbashay Danjiraha ugu horreeya ee Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyi doona dalkaasi, Dr. Maxamed Xaaji, kadib markii labada dhinac ay 26-kii December 2025 si rasmi ah u yeesheen cilaaqaad diblomaasiyadeed.

Sida Lagu faafiyay qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel soo saartay oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Magacaabisyan ayaa timid iyadoo Laga duullayo is-afgaradyo laga gaadhay booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar, uu ku yimid Somaliland bishii hore, taasoo ahayd tallaabo muhiim ah oo horseedday xoojinta wada-shaqaynta labada dal.

Warku wuxuu intaas ku daray in Danjire Dr. Maxamed Xaaji, oo hadda ahaa la-taliyaha Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu dhoweyd ee sannadkii 2025 doorka weyn ku lahaa taabogelinta iyo dhismaha iskaashiga u dhexeeya Israel iyo Somaliland.

“Aqbalidda waraaqaha aqoonsiga danjiraha ayaa calaamad u ah marxalad cusub oo si buuxda u dhaqan-gelinaysa xidhiidhka labada dal,” ayaan lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel.

Dhinaca kale, Dawladda Israel ayaa lagu wadaa inay dhawaan magacowdo safiirka Israel u fadhiyo doona Somaliland, taasi oo qayb ka ah adkaynta cilaaqaadka labada dal.

Sidoo kale, toddobaadkan waxa ka bilaabmay Israel tabobar gaar ah oo ay soo qabanqaabisay MASHAV oo ah Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel kaas oo loo qabtay Hay’adda Biyaha Somaliland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha Somaliland.

Tababarkan ayaa xoogga Lagu saarayaa saaraya dhismaha, horumarinta iyo qorshaynta waaxda biyaha, iyadoo lagu xoojinayo iskaashi xirfadeed oo waara oo u dhexeeya labada dhinac.