Hargeysa-Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ahna ku-simaha Wasiirka mudane Muuse Askar Guuleed ayaa saaka hor tegey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, halkaas oo uu warbixin faahfaahsan ka siiyay hawlaha kala duwan ee wasaaraddu ku hawlan tahay iyo qorsheyaasha u degsan mustaqbalka.
Wasiir-ku-xigeenku waxa uu guddida uga warramay doorka muhiimka ah ee wasaaraddu ka qaadatay hawlaha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tilmaamay in Warfaafintu ay laf-dhabar u tahay gudbinta xaqiiqada Somaliland iyo wacyigelinta bulshada.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay dhammaystirka Tiyaatarka Wasaaradda, oo ah mashruuc muhiim u ah horumarinta fanka iyo suugaanta, isla markaana kaalin weyn ka qaadanaya kobcinta hiddaha iyo dhaqanka dalka.
Wasiirka ayaa guddida la wadaagay dhismaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka, taas oo ujeedadeedu tahay kor-u-qaadista wacyiga diinta Islaamka iyo faafinta barnaamijyo diini ah oo tayo leh.
Waxaa kale oo uu xusay dedaallada lagu sameeyay in Radio Hargeysa laga dhegeysan karo telefoonada gacanta, si gaar ahna ay uga faa’iidaystaan bulshada ku nool dhulka miyiga iyo tuulooyinka ka fog ateenooyinka, taas oo wax weyn ka taraysa baahida war-helidda bulshada.
Intaa waxaa dheer, Wasiirku waxa uu sheegay in wasaaraddu ay dardar gelisay soo saarista warbixinno iyo macluumaad ku baxa afaf kala duwan, sida English iyo Af-Carabi, si loo gaadhsiiyo fariinta Somaliland bulshooyinka caalamka.
Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay in kor loo qaaday wax-soo-saarka fanka iyo suugaanta, isla markaana la kordhiyay tirada idaacadaha FM-yada, lana dayactiray idaacadihii hore u fadhiyay, si loo xoojiyo gaadhista warbaahinta qaranka.
Waxaa kale oo uu xog dhammaystiran ka siiyay halka ay marayaan Xeerka iyo Siyaasadda Warbaahinta Qaranka.
Ugu dambayn, Wasiir ayaa sheegay in wasaaraddu ay dhiirigelisay kooxaha kala duwan ee fanka iyo suugaanta, iyada oo la abuuray jawi taageero iyo horumar u horseeda hal-abuurka iyo aqoonyahannada dalka.
Kulankan ayaa qayb ka ah wada-shaqayn iyo isla-xisaabtan joogto ah oo u dhexeeya hay’adaha dawladda iyo Golayaasha Qaranka, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo wacyigelin bulsho oo dhamaystiran.
Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinya waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL oo ah ka mid ahaayeen: guddoomiyaha Wargeyska Dawan, agaasimaha Radio Hargeysa iyo agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha.


