Guddida Arrimaha Dibadda ee Wakiillada oo Daahfuray Fallanqeynta Qabto Qoraalka Xeerka Ergooyinka Diblomaasitaddeed.

Hargeysa 21 February 2026, Guddida Arrimaha Dibadda, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabatay kulan hal maalin ah oo lagu falanqaynayey qabyo-tirka Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed (Somaliland Diplomatic Missions Act).

Kulankan oo ka qabsoomay JEES Hotel, Hargeysa, ayaa waxaa daahfuray Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Kusimaha Guddoomiyaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire).

Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabadda daahfurka ku iftiimiyey muhiimadda uu xeerku u leeyahay horumarinta, nidaaminta iyo tayeynta diblomaasiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, adkaynta sumcadda qaranka, iyo waafajinta xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya xidhiidhka diblomaasiyadeed.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wasiirro hore, agaasimayaal guud oo hore, safiirro hore, aqoonyahanno ku xeel-dheer arrimaha diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, la-taliyeyaal sharci, qareenno, hay’ado cilmi-baariseed (think tanks), khubaro ka socotay jaamacadaha dalka, iyo wakiillo ka socday xafiisyada diblomaasiyadeed ee dalalka saaxiibka la ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Intii uu socday kulanku, waxa si qoto dheer loo falanqeeyey qodobbada kala duwan ee qabyo-tirka xeerka, gaar ahaan awoodaha iyo waajibaadka ergooyinka diblomaasiyadeed, nidaamka magacaabista iyo xil-ka-qaadista, anshaxa iyo hufnaanta adeegga dibadda, iyo waafajinta mabaadi’da caalamiga ah ee ku saabsan xasaanadda iyo mudnaanta diblomaasiyadeed.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la helo aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu tayeynayo qabyo-tirka xeerka si uu u noqdo mid dhammaystiran, casri ah, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha qaranka iyo horumarka xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan maalinta ah ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyo wada-tashi midho-dhal ah, iyadoo talooyinka iyo soo-jeedimaha laga soo ururiyey ka soo qaybgalayaasha lagu dari doono qabyo-qoraalka ka hor inta aan loo gudbin marxaladaha xiga ee habraaca xeer-dejinta Golaha Wakiillada.

Ugu dambayntii, waxa hadalka soo afmeeray Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda, Qorshaynta iyo Maalgashiga, Mudane Maxamed Xassan Siciid, oo si rasmi ah u soo xidhay kulanka, kana mahadnaqay ka soo qaybgalayaasha doorkii ay ka qaateen tayeynta xeerkan muhiimka u ah qaranka.