Hargeysa-Dawladda Taiwan, ayaa si adag u cambaaraysay Shiinaha, kadib markii cadaadis ay ku eedaysay Beijing uu sababay dib-u-dhig loo dhigo socdaal uu Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, ku tegi lahaa Boqortooyada Eswatini.
Sidaasna waxa Lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Taiwan Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay Taiwan ay sheegtay in dalal dhowr ah lagu qasbay inay laalaan ogolaanshihii diyaaradeed ee socdaalka, taas oo ay ku tilmaantay mid halis gelinaysa badbaadada duulista isla markaana jebinaysa xeerarka caalamiga ah.
Waxa kaloo ay Taiwan ku eedaysay Shiinaha k farogelin uu ku hayo arrimaha dalal kale.
Warsaxafadeedka Taiwan waxa ay ku tibaaxday madax-bannaanideeda, iyadoo sheegtay in shacabkeeda 23-ka milyan ahi ay xaq u leeyihiin inay la macaamilaan dunida, isla markaana aan cidna ka hor istaagi karin.
Waxay sidoo kale caddeysay inay sii xoojin doonto xidhiidhka caalamiga ah, gaar ahaan Afrika, iyadoo tusaale u soo qaadatay iskaashiga ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

