Hargeysa-Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa guddi u saartey ka soo talo bixisa Muddo kordhinta goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo doorashadoodu ku ekayd 31-5-2026. guddidaas oo ka kooban 25 xubnood.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa dhawaan aqalka Guurtidda u gudbiyey soo jeedintii komishanka doorashooyinka ee ay ku codsadeen in loo kordhiyo muddo 10 bilood ah wakhtigii ay ku qaban lahaayeen doorashooyinkaasi.
Sidoo kale ,Madaxweynaha Somaliland ayaa Todobaadkii hore mar uu jeedinaayey khudbad sannadeedkiisi labaad ee uu inta uu xilka hayo waxa uu golaha guurtida ka codsadey in aanay dhaafin muddo kordhinta ay sameyn doonaan muddo 10 bilood ah oo ay ku saleeyaan soo jeedinta koomishanka Doorashooyinka.

