Wasaaradda Dib u dejinta oo soo dhaweeyay Muwaadiniin ka soo Laabtay Tahriib.

Hargeysa-Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada JSL, oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay 12 muwaadin oo reer Somaliland ah oo iskood ugu soo laabtay dalka, ka dib markii ay la kulmeen dhibaatooyin safarkooda tahriibka.

Muwaadiniintan ayaa wajahday khataro amni iyo nolol adag intii ay socdaalkooda ku jireen, balse soo laabashadoodu waxay muujinaysaa geesinimo iyo go’aan ay ku doorteen nolol ka wanaagsan.

Wasaaradda ayaa u fidisay adeegyo ay ka mid yihiin la-talin nafsi iyo bulsho, wacyigelin ku saabsan fursadaha dalka iyo diiwaangelin rasmi ah si loogu diyaariyo taageero dheeraad ah. IOM iyo Wasaaradda waxay sidoo kale xoojinayaan dadaallada lagu taageerayo dib-u-dhexgalka bulsho iyo fursadaha dhaqaale ee dadka soo laabanaya.

Ugu dambayn, Wasaaradda waxay dhalinyarada ku boorrinaysaa inay ka fogaadaan halista tahriibka, ayna ka faa’iidaystaan fursadaha gudaha dalka si ay u dhistaan mustaqbal ifaya.