Hargeysa-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ๐๐. ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ง, ayaa u furay tabobar hawlwadeenada ๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐.
Tabobarkan oo socon doona ๐ฆ๐ฎ๐๐๐จ ๐ฅ๐ข๐ฑ ๐๐๐ฌ๐ก๐จ ๐๐ก, waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa kor-u-qaadista aqoonta iyo xirfaddaha war-isgaadhsiinta, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Hab-qoraalka wararka rasmiga ah, maaraynta xogta iyo macluumaadka, xidhiidhka warbaahinta, adeegsiga aaladdaha casriga ah ee isgaadhsiinta iyo xoojinta anshaxa iyo hufnaanta gudbinta farriimaha hayโadda.
Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in tabobarkani yahay tallaabo istaraatiiji ah oo qayb ka ah barnaamij ballaadhan oo Wasaaraddu ku horumarinayso kartida shaqaalaheeda, si ay u noqdaan kuwo la jaanqaada baahiyaha casriga ah ee maamulka dawliga ah, isla markaana sare-u-qaada tayada adeegga dadweynaha iyo muuqaalka hayโadda.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa ku boorriyey ka-qaybgalayaasha in ay si buuxda uga faaโiidaystaan tabobarka, una beddelaan aqoonta ay helaan ficil wax ku ool ah oo ka tarjumaya hawl-maalmeedka Waaxda, taas oo wax ka tari doonta xidhiidhka bulshada iyo Wasaaradda.


