Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray Dhismaha Cusub ee Kaydka Tallaalka Gobolka Maroodi-Jeex, kaasi oo loogu talo galay in lagu horumariyo Kaydka Tallaalka Qaranka.
Mashruucan muhiimka ah waxa iska kaashaday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo hay’adda caalamiga ah ee UNICEF.
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka qabsoontay Xarunta Kaydka Daawooyinka ayaa waxa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, Isuduwaha Gobolka Maroodi-Jeex, iyo masuuliyiin ka kala socday UNICEF iyo World Health Organization.Dhismahan cusub ayaa noqday kii ugu horreeyay taariikhda Somaliland laga hirgeliyo ee si gaar ah loogu talogalay kaydinta iyo qaboojinta tallaallada ee Gobolka Maroodi-Jeex.
Waxay tani ka dhigan tahay horumar la taaban karo oo lagu xoojinayo silsiladda qaboojinta (Cold Chain System) iyo ilaalinta tayada tallaalka, si loo hubiyo in bulshadu ay helaan tallaal tayo leh oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.Dhismaha oo lagu qalabayn doono agabka qaboojiyeyaasha casriga ah ayaa la filayaa inuu awood u yeesho kaydinta tallaallada loogu talogalay isticmaalka sannadka oo dhan, taas oo si weyn u yarayn doonta khataraha la xidhiidha kaydin la’aanta ama kala go’a sahayda tallaalka.
Tallaabadan istiraatiijiga ah waxay qayb ka tahay siyaasadda Wasaaradda ee ku salaysan ballaadhinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan kor u qaadista adeegyada ka hortagga cudurrada ee ku dhisan tallaalka.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa si isku mid ah u adkeeyey muhiimadda dhismahan cusub, iyaga oo ku tilmaamay mid sare u qaadaya waxtarka adeegga tallaalka iyo kalsoonida bulshada ee nidaamka caafimaadka qaranka.



