๐๐๐-๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Fadhigii 52-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Fadhiga 52-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL, ka sokow Qaraarkacay soo saareen ee la xidhiidha Arrimaha Ictiraafka,
qodobbada kale ee maanta lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay dhan kastba.
Wasiirku waxa uu ka war bixiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in ictiraafka Israaโiil uu mideeyey yuhuunta iyo wadajirka ummadda Somaliland gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib.
Wasiirku waxa uu xusay in Cadowga Somaliland uu kordhay sidaa darteedna loo baahan yahay xoojinta amniga gudaha iyo wada-shaqaynta Hayโadaha Dawladda iyo shacabka, isaga oo ugu baaqay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland in ay si mideysan uga hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida Qaranka JSL.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.
Wasiirku waxa uu sheegay in korodhka dakhliga bisha January, 2026-ka uu u socdo sidii loogu talo galay, taas oo muujinaysa horumar dhanka maaliyadda ah. Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in Wasaaraddu midaysay buugga lacag-qabashada dhammaan hayโadaha Xukuumadda, si loo xoojiyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed.
Intaa waxaa dheer, wasaaraddu waxay tababarro iyo aqoon-korodhsi xisaabaad u furtay qaar ka mid ah shaqaalaha, kuwaas oo uu bixinayo Machadka Culuunta Xisaabaadka Qaranka. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in iyaga oo kaashanaya Shirkadda DP World ay ballaadhinayaan adeegga ay bixiso Dekadda Berbera, si loo dhiirri-geliyo koboca dhaqaalaha Qaranka JSL.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL waxa uu Golaha u sheegay in Culimada reer Somaliland ay u midaysan yihiin difaaca Qarannimada, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadanayaan difaaca iyo dhiirrigelinta ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirku waxa uu xusay in Culimada Somaliland ay si joogto ah u qabtaan Muxaadarooyin iyo Wacyigelin ay bulshada ku baraarujinayaan qiimaha Qarannimada, Midnimada, Amniga iyo ilaalinta arrimaha masiiriga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
๐. ๐๐๐๐-๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐๐ก๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ-๐ ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi.
Wasiirku waxa ay sheegtay in Wasaaraddu ay Qorshe ay ku samaysanyso qaab-dhismeedka Horumarinta Gobollada (Regional development Framework) iyo Qorshaha hawl-galka Horumarinta Sannadlaha ee Qaranka (Country Annual Operational Development Plan). Wasiirku waxa ay sheegtay in ujeeddada guud ee Qorshaha (Regional Development Framework) uu yahay samaynta, hirgelinta iyo hubinta horumar isku dheellitiran oo Gobollada ah, iyada oo la isku xidhayo Qorshayaasha heer Degmo, Gobol, iyo qarQan, isla markaana bulshada laga qaybgelinayo xiliga la qorshaynayo arrimaha mudnaanta u leh noloshooda.
Wasiirku waxa ay sharraxday faaโiidooyinka muhiimka ah ee uu Qorshahani xambaarsan yahay, sida:
* Helidda Baahiyaha Gobollada,
* Isku-xidhnaanta Qorshayaasha Qaranka,
* Soo Jiidashada Maalgashiga,
* Hagidda Wasaaradaha, Qaadhaan bixiyayaasha iyo Private sectors-ka
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐๐๐๐:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr Xuseen Bashiir Xirsi.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay in hawlaha Wasaaraddu ay si habsami leh u socdaan, isla markaana adeegyada Caafimaad ee Qaranku ay shaqaynayaan intii suurtagal ah. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ka hadlay xannuunka xummadda ee dalka ka dillaacay Gobollada Dalka qaarkood, isaga oo sheegay in Wasaaraddu ay qaaday tallaabooyin deg-deg ah oo ka hortag, daaweyn iyo wacyigelinba leh, si loola tacaalo xanuunkan xummadda ah, dhakhaatiir iyo daawooyina ay ku xoojisay.
Intaa waxaa dheer, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa uu bulshada siiyo adeegyo caafimaad oo wacan, isaga oo ka shaqaynaya baahiyaha caafimaad ee dadweynaha intii awooddiisa ah.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐๐๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐๐ก๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf.
Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaraddu ay ku guulaysatay qaban-qaabada iyo qabashada Shirweynaha 8-aad ee Dib-u-eegista Qorshaha Waxbarashada Qaranka JSL (Joint Review of the Education Sector-JRES) iyo qiimaynta Mashruuca Waxbarasho ee GPE (Global Partnership for Education).
Wasiirku waxa uu sheegay in Shirweynaha 8-aad ee Dib-u-eegista Qorshaha Waxbarashada lagu lafa-guray guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaadhay hirgelinta Qorshaha Istiraatijiyadda Waxbarashada ee 2026-ka, iyo sidoo kale Mashaariicda Waxbarashada ee hadda socda, si loo xoojiyo fidinta adeegyada iyo tayada Waxbarashada Qaranka JSL.
Wasiirku waxa uu Golaha u sharaxay ujeeddada guud ee laga lahaa Shirka, taasi oo ahayd:
1. In si dhab ah loo cabbiro horumarka laga gaadhay hirgelinta Qorshaha Sannadlaha,
2. In la xoojiyo maamulka iyo Isku-dubbaridka Mashaariicda Waxbarashada Dalka,
3. In la aqoonsado caqabadaha hor taagan Waxbarashada JSL.
Wasiirku waxa uu xusay in shirku ku soo dhammaaday talooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo tayada Waxbarashada, helitaanka Waxbarasho loo siman yahay, iyo adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah, si loo dhiso jiil aqoon iyo xirfad leh oo u adeega horumarka qaranka.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฌ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Mudane Xasan Xaaji Axmed Ducaale (Xasan Macallin).
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay waxyaabihii Wasaaarad ahaan u qabsoomay, kuwa weli qabyoobay iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Wasaaradda. Waxa uu xusay in qaab-dhismeedka Wasaaradda si buuxda loo dhammaystiray, si loo xoojiyo hufnaanta iyo isku-duwidda shaqada ay Wasaaraddu u xil saaran tahay.
Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha ka jira maamulka Degmooyinka iyo Gobollada, isaga oo tilmaamay dadaallada lagu horumarinayo maamul-wanaagga. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay tababarro iyo aqoon-korodhsi qoto dheer u samaysay hawl-wadeennada sare ee 75 degmo, si loo xoojiyo awoodda maamulka Dawladaha Hoose.
๐) ๐๐๐๐๐๐๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐-๐๐๐๐ฑ๐๐๐๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐๐-๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL,Mudane Khadar Xuseen Cabdi.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay muhiimadda iyo mudnaanta ay Xukuumadda iyo Qaranka Somaliland u leedahay in Hayโadaha Xukuumaddu si firfircoon uga qayb qaataan gudbinta wararka iyo farriimaha rasmiga ah ee Xukuumadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la helo Xukuumad dhan u wada jeedda, af keliyana ku hadlaysa, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo hufnaanta Dawladnimada, gaar ahaan marxaladdan Xasaasiga ah ee uu dalku galay.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in la qorsheeyey tababar qoto dheer oo la siin doono agaasime-waaxeedyada masuulka ka ah hannaanka wada-xidhiidhka Hayโadaha โadaha Xukuumadda, si loo mideeyo farriimaha loona tayeeyo isgaadhsiinta Xukuumadda.
๐) ๐๐๐ญ๐ข๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐:
Gabagabadii Fadhigii 52-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka hadlay Qaraarka Golaha Wasiirrada ee la xidhiidha Ictiraafka Dalka, isaga oo caddeeyey in Ictiraafku uu yahay Qaddiyad ummadeed, doonis Shacab iyo himilo Qaran oo ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha waxa uu xusay in goโaanka Goluhu uu ka tarjumayo maslaxadda guud ee dalka, waxana uu shacabka iyo Hayโadaha Dawladdaba ku boorriyey in ay u midoobaan difaaca qaranimada, xoojinta nabadda iyo horumarinta sumcadda Somaliland ee caalamka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐


