Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Safar Shaqo ku tagay Berbera iyo Mashaariic Door ah oo uu Xadhigga ka Jaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo muhiim ah ku tegay magaalada Berbera, halkaasi oo uu si rasmi ah xadhigga uga jaray mashaariic horumarineed oo door weyn ka qaadanaya bilicda, adeegyada bulshada iyo koboca dhaqaalaha ee magaalada xeebta ah ee Berbera.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn xadhigga ka jaray waddooyin kala duwan oo cusub oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Berbera. Waddooyinkan oo ah kuwo casri ah ayaa loo qorsheeyey inay fududeeyaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, isla markaana ay kor u qaadaan ganacsiga iyo isku xidhka xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu xadhigga ka jaray Cigaal Park, oo ah goob nasasho oo aad u ballaadhan oo loogu talagalay isu imaatinka bulshada iyo bilicda magaalada. Goobtan ayaa abuuraysa jawi dalxiis iyo mid nololeed oo ku habboon horumarka bulshada reer Berbera, iyadoo qayb ka noqonaysa qorshaha ballaadhinta goobaha dadweynuhu ku kulmo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu daah-furay dhismaha cusub ee Maamulka Dawladda Hoose ee Berbera. Xaruntan oo ah mid shaqo oo casri ah ayaa la filayaa inay xoojiso adeeg bixinta iyo hufnaanta maamulka degmada. Dhismahan ayaa ka tarjumaya tallaabo muuqata oo loo qaaday dhinaca dawlad wanaagga iyo horumarinta hay’adaha dawliga ah ee heer degaan.

Mashaariicdan oo ay dhammaantood hirgelisay Dawladda Hoose ee Berbera, ayaa muujinaya kartida iyo himilada maamulka degmada ee ku wajahan horumar waara, iyadoo dhinaca kalena ay ka tarjumayso wada shaqayn miro-dhal ah oo u dhaxaysa xukuumadda dhexe iyo maamulka maxalliga ah.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha ayaa maamulka Degmada Berbera ku bogaadiyey sida ay u dammaanad qaadeen adeegyada bulshada ee waxbarashada iyo caafimaadka. Madaxweynuhu waxa uu xusay in xukuumaddu ay sii labanlaabi doonto taageerada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee dhammaan gobollada dalka.


ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland