Hargeysa- Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ka guddoomay deeq lacageed (120 Milyan SLSH) oo ay Wasaaraddu ugu talagashay taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Deeqda Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka waxa ay muujinaysaa damqasho iyo naxariis Qaran, isla markaana waxa ay astaan u tahay masuuliyadda Dawladnimo ee garab istaagga iyo taakulaynta dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen.
Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran waxa ay si mug leh ugu mahad naqeen Wasiirka, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda deeqda ay ku taageereen dadkooda ay abaartu saamaysay.
Guddida Gurmadka Abaaraha waxa ay sidoo kale ku baaqeen in Hay’adaha kale ee Dawladdu ay ku daydaan tallaabada Wasaaradda Qorshaynta oo ah mid ku dhisan naxariis iyo masuuliyad Qaran.


