Hargeysa-Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka, Guryaynta iyo Tignoolajiyadda ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan shaqo la yeelatay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada, isla markaana uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddida Mudane Aamin Saleebaan Jaamac (Amin Saleeban Kulul), ayaa dhinaca Wasaaradda waxaa ka socday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Mudane Xuseen Axmed Caydiid.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dabagalka iyo qiimaynta hawlaha shaqo ee Wasaaradda, gaar ahaan shaqada ay wasaaradu hayso qaranka.
Wasiirka ayaa Guddida si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadka Wasaaradda, heerka ay marayaan mashaariicda socda, qorshayaasha mustaqbalka dhow, iyo caqabadaha jira ee u baahan iskaashi sharci iyo mid miisaaniyadeedba. Mudanayaasha Guddida ayaa su’aalo iyo tallooyin wax-ku-ool ah ka dhiibtay warbixinta, iyaga oo adkeeyay doorka Golaha Wakiilladu ku leeyahay kor-joogtaynta iyo dardar-gelinta hawlaha qaranka.
Gabagabadii, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa Guddida iyo
Wasaaradda, si loo hubiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo dardargelin ku aaddan fulinta waajibaadka qaranka ee la xidhiidha hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta.
