Hargeysa-๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ก๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ข ๐๐ฐ ๐๐๐๐๐ข ๐๐ฒ๐๐ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ๐ (๐๐๐ฌ๐ญ๐๐ซ ๐๐ฅ๐๐ง) .
Munaasibaddan iyada ah waxa lagu soo bandhigay Qorshaha Horumarineed ee Magaalada Berbera (Development Master Plan) kaasi oo ah Qorshe Casri ah oo loogu talo galay magaalada Berbera 2025 ilaa 2035.
Munaasibadda waxa goob joog ahaa Wasiiro, Maayar ku-xigeenka Caasimada Hargaysa, iyo marti sharaf balaadhan oo xafladani lagu soo marti qaaday.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo munaasidaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta JSL oo uu Madaxweyne ku-xigeenka Qaranka Somaliland oo si mug leh ugu bogaadiyey shaqada culus ee hayaan Qaranka, sida Diyaarinta Qorshayaasha Horumarinta Magaalooyinka dalka, waxana uu yidhi:
“Barnaamijkani waa mihiim, isla markaana waxa uu tusaale u noqon doonaa Magaalooyinka kale ee dalka, waana in sidiisa loo fuliyaa.
Qorshe Magaaleedku (Master Plane) waa furaha lagu ogaado horumarka ay magaalo gaadho, madaama la ina ictiraafay waa in aynu Adduunka la jaanqaadno oo magalooyinkeena la hormariyaa waanannu garab taagan nahay Dawladaha Hoose ee dalka.
Waxa aan doonaynaa in ay Berbera noqoto meel uu Caalamku inala leeyahay oo aynu horumarkeeda si weyn uga wada shaqayno.”

