Hargeysa-Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay hadal-hayn iyo falcelinno taban oo ka dhashay wareegtooyin uu ku magacaabay xisaabiyayaal cusub oo loo diray qaar ka mid ah hay’adaha dawladda.
Xisaabiyaha Guud ayaa sheegay in falcelintaasi ay salka ku hayso aqoon la’aan, isla markaana loo baahan yahay in sannad kasta qaranka lagu soo kordhiyo horumar iyo isbeddel cusub. Waxa uu xusay in magacaabista xisaabiyeyaashaasi ay tahay arrin ku salaysan karti iyo baahi jirta, isagoo tilmaamay in qof walba laga rabo inuu garwaaqsado xadka aqoonta iyo awoodda uu leeyahay.
Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in haddii sannad walba aan wax cusub la soo kordhin, ay taasi keeni karto dib-u-dhac iyo khasaare ku yimaadda nidaamka maaliyadeed ee qaranka.
