Hargeysa-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay shir-wadatashi ah oo la xidhiidha waxbarashada takhasuska sare ee caafimaadka (Postgraduate Medical Education), kaas oo ay Iska kaashadeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay,adda Global Health partnerships, muhiimna u ah horumarinta iyo tayaynta adeegyada caafimaadka dalka.Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay hoggaanka sare ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, madax iyo masuuliyiin ka kala socday Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Burco, iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday Tacliinta Sare ee Qaranka. Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, ayaa sharraxaad ka bixisay ujeeddooyinka shirka, iyadoo iftiimisay muhiimadda ay leedahay dejinta hannaan mideysan oo lagu horumarinayo waxbarashada takhasuska sare ee caafimaadka.Intaa kadib, waxa hadallo qiimo leh ka jeediyey guddoomiyayaasha Jaamacadaha Hargeysa, Burco iyo masuuliyiin ka socday Jaamacadda Camuud, kuwaas oo diiradda saaray doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin soo saarista dhakhaatiir takhasus sare leh.Sidoo kale, Guddoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka ayaa ka hadlay caqabadaha iyo fursadaha jira, isaga oo adkeeyey baahida loo qabo iskaashi iyo isku-xidhnaan u dhexeeya wasaaradda, jaamacadaha iyo mihnadlayaasha caafimaadka.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo si rasmi ah u furay kulanka, ayaa isna dhankiisa si qotodheer uga waramay muhiimadda uu kulankani u leeyahay horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan tayaynta waxbarashada iyo tababarrada xirfadlayaasha caafimaadka.Waxa uu xusay in Wasaaradda ka go’an tahay xoojinta tayada aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, si loo hubiyo in bulshada loo helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, waara, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha jira iyo isbeddellada casriga ahIntii uu socday shirku, waxa si qoto dheer looga dooday sidii dalka loogu soo saari lahaa dhakhaatiir takhasus sare leh oo tayo iyo xirfadba leh, waxaana la soo bandhigay macluumaad iyo soo jeedinno khuseeya horumarinta barnaamijyada waxbarasho, tayeynta manhajka, iyo kor u qaadista heerarka tababarka.Shirkan wadatashiga ah ayaa la qorsheeyey in uu socdo laba (2) maalmood, waxaana laga filayaa in uu soo saaro talooyin iyo jihayn wax ku ool ah oo lagu horumarinayo waxbarashada takhasuska sare ee caafimaadka ee Somaliland.



