Warbixin uu daabacay warsidaha The Times of Israel ayaa aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay mid istiraatiiji ah oo faa’iido weyn u leh danaha amni iyo dhaqaale ee Maraykanka. waxana lagu sheegay in aqoonsiga caalamiga ah uu sare u qaadayo awoodda Maraykanka ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, isla markaana uu xoojinayo doorka Maraykanka ee tartanka quwadaha waaweyn.
Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay tahay bahwadaag lagu kalsoonaan karo oo saaxiib la ah waddamada reer galbeedka, isla markaana ay Maraykanka siinayso fursado lagu xoojiyo amniga Badda Cas iyo Bab-el-Mandeb.
Waxa warbixintu si gaar ah xustay doorka Somaliland ee la dagaalanka budhcad-badeedda iyo kooxaha xagjirka ah ee hubaysan.
Warbixin oo uu The Times of Israel uu ku qoray Aqoonyahan Maxamed Csmaan, ka soo jeeda Somaliland balse ku nool Canada, waxaana lagu sheegay in aqoonsiga Maraykanku u noqon doono Somaliland taageero dhinaca dimuqraaddiyadda iyo dawlad wanaagga dhiirigeliya, maadaama ay si joogto ah u qabato doorashooyin nabdoon oo ay dhisstay nidaam dawladeed oo shaqeynaya tan iyo 1991.
Warbixintu waxay muujisay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera iyo marinada muhiimka ah ee Bab-el-Mandeb.waxaanu ku dooday in Aqoonsiga Somaliland uu Maraykanka u furi doono iskaashi toos ah oo la xidhiidha dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, isla markaana ka caawinaysa inuu la tartamo saameynta quwadaha kale ee gobolka, iyadoo Somaliland buuxisay dhammaan shuruudaha caalamiga ah ee dawladnimo.

