Xukumadda Somaliland oo si adag uga jawaabay dalalka kasoo horjeestay aqoonsiga Israa’iil

Wasiirrada arrimaha gudaha Cabdale Maxamed Carab, arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, Madaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi, hawlaha guud Xuseen Axmed Caydiid, Ciyaaraha Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax iyo Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac ayaa maanta si adag uga hadlay dalal islaam ah oo cadeeyay inay ka soo horjeedaan aqoonsigii taariikhiga ahaa ee Somaliland ka heshay Israa’iil.

Wasiirradan oo kulan warbaahineed ku qabtay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay in Somaliland buuxisay shuruudihii dal jira looga baahnaa inuu yeesho, kuwaas oo ay ka mid yihiin hannaan dawladnimo oo shaqaynaya, Nabadgalyo cago adag ku taagan iyo ciidamo amniga suga, Wasiirrada ayaa sheegay in aduunku uu dano kala iibsado.

Wasiiradu waxay iftiimiyeen in Somaliland markii ay dib ula soo noqotay xorriyaddeeda ay dhisatay nidaam dawladeed iyo doorashooyin dimuqraadi ah oo xikunka si nabdoon la isugu wareejiyey taasina ay tahay xaqiiqada ay Israa’iil aqoonsatay.

Wasiiradan waxay si gaar ah u soo qaatay waddamada Jabuuti iyo Turkiga oo ka mid ah dalalka ka soo horjeeda aqoonsiga Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo sheegay in Jabuuti markii ay xornimada qaadatay 1977-kii ay cad u diiday inay ku soo biirto Soomaaliya si ay qayb uga noqoto raadinta midnimada shanta Soomaaliyeed isla markaana ay maanta ku doodayso inay taageeraan tahay mab’daas, waxaa kale oo ay hoosta ka xarriiqeen in halganka aqoonsi ee Somaliland uu sii soconayo, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in aanu ku khaatumo seegin jiritaanka qaranimada taabo gashay ee Somaliland.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in dalka Turkiga ee ka qaylinaya xidhiidhka is aqoonsi ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland uu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Islaam ah ee aqoonsada Jiritaanka Israa’iil isla markaana ay dawladda taagta daran ee Soomaaliya qandaraas ku siisay inuu dalkooda ilaaliyo.

Wasiirrada arrimaha gudaha Cabdale Maxamed Carab, arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, Madaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi, hawlaha guud Xuseen Axmed Caydiid, Ciyaaraha Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax iyo Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac waxaa kale oo shacabka Somaliland ku booriyeen in aanay dheg u dhigin cid kasta oo ka soo horjeeda aqoonsiga bilowga ah ee aynu helnay isla markaana u arkaan cadow diidan jiritaankeena, sidaa darteedna looga baahan yahay inay midnimadooda iyo isku xidhnaantooda xoojiyaan, iyagoo intaas ku daray in Xukuumadu aanay u dul qaadan doonin cid kasta oo nashuushadaynaysa aqoonsiga uu dalku helay oo ah masiir qaran.