Dawladda Israa’iil oo Jamhuuriyadda Somaliland ku dartay nidaamkooda ogolaanshaha safarka elegtarooniga ah

Hargeysa-Dawladda Israa’iil ayaa qaaday tallaabo cusub oo muujinaysa sii xoojinta xidhiidhka ay la wadaagto Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay Somaliland ku dartay nidaamkeeda rasmiga ah ee codsiga oggolaanshaha safarka elegtarooniga ah ee loo yaqaan ETA-IL (Electronic Travel Authorization).

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, magaca Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hadda si rasmi ah uga muuqda liiska jinsiyadaha ee nidaamka ETA-IL, kaas oo ay isticmaalaan dadka doonaya inay codsadaan oggolaanshaha safarka ka hor inta aanay u dhoofin Israa’iil.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in muwaadiniinta sita baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland ay awood u yeelan doonaan, haddii ay buuxiyaan shuruudaha ay dejisay dawladda Israa’iil, inay si elektaroonig ah u gudbiyaan codsiyadooda oggolaanshaha safarka, iyaga oo aan marka hore u baahnayn habraacyo kale oo dheeraad ah.

Nidaamka ETA-IL waa hannaan ay dawladda Israa’iil u hirgelisay maamulka iyo hubinta codsiyada dadka u socdaalaya dalkeeda, iyadoo ujeedada ay ka leedahay uu la xidhiidho in xogta codsadayaasha la sii baadho ka hor safarkooda, si loo xoojiyo amniga xuduudaha loona dardargeliyo habraacyada gelitaanka dalka.

Ku darista Somaliland ee nidaamkan ayaa sidoo kale muujinaysa in magaca Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah uga dhex muuqdo adeegyada socdaalka ee Israa’iil, taas oo fududaynaysa habka ay muwaadiniinta Somaliland u mari doonaan codsiyada oggolaanshaha safarka marka ay u socdaalayaan dalkaas.

Talaabadan ayaa timid xilli uu xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu sii xoogaysanayo, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland dhammaadkii sannadkii 2025, isla markaana labada dhinac ay bilaabeen ballaadhinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale.

Sidoo kale Go’aankan cusub ayaa loo arkaa tallaabo kale oo qayb ka noqonaysa hirgelinta xidhiidhka rasmiga ah ee labada dhinac, isla markaana fududayn karta isu-socodka dadka iyo korodhka iskaashiga mustaqbalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*