Golaha Guurtida oo ka waraystay Hay’adda Horumarinta Waddooyinka mashaariicda socda


Gudidda Joogtada ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la yeeshay Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka, Maxamed Faarax Cabdi, iyagoo ka wada hadlay horumarka mashaariicda waddooyinka ee dalka iyo halka ay marayaan.

Maareeyuhu waxa uu guddida warbixin ka siiyey safarradii kormeerka ahaa ee uu ku maray gobollada Somaliland iyo diyaar-garowga dhagax-dhigga waddada Lowyo Cado iyo Fardaha.


Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa ku ammaanay Hay’adda dedaalka ay ku bixinayso horumarinta kaabeyaasha waddooyinka, isagoo xusay in mashaariicdani door muhiim ah ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo isku xidhka bulshada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*