Hargeysa-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay hadallada beenta ah ee Soomaaliya ay ku baahiso warbaahintu aanay waxba ka beddelaynin qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiir Barkhad wuxuu caddeeyay in 35-kii sannadood ee la soo dhaafay xukuumadihii Jamhuuriyadda Somaliland u kala dambeeyay iyo shacabku ay ka midaysnaayeen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirku wuxuu Tilmaamay in caalamku garwaaqsaday dimuqraaddiyadda, doorashooyinka iyo deganaanshaha dawladnimo ee ka jira Somaliland.
Wasiir Barkhad wuxuu sidaas ku bayaamiyay qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), kuwaasi oo uu ugu jawaabay hadallo been abuur ah oo ka soo yeedhay Mas’uuliyiinta dawladda tabaalaysan ee Soomaaliya.
Wasiirka waxa ay fariintiisu u qornayd sidan:-“35 Sanno shacabkayaga iyo xukuumadihii talada dalka u kala dambeeyey waxay midaysnaayeen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, mana aha mid ay wax ka beddelayso beenta ay xukuumadda Muqdisho warbaahinta ku qorayso.
Dunidu way garwaaqsatay geeddi-socodkayaga dawladnimo, doorashooyinka, dimuqraadiyadda, deganaanshaha iyo xasilloonida nabadeed ee aan haysanno.
Dawladda Israel waxay fure u noqotay aqoonsiga qaranimaddayada iyo aayo-ka-tashiga ummaddayada oo ay saldhig u ahayd goโaankii ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland dib ugula soo noqdeen qaranimadoodii ka luntay 1960.”

