Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Hay’adda DT Global iyo Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga ee Switzerland (SDC).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda iyo labada hay’adood, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqanka iyo ilaalinta dhaxalka bulshada Somaliland.
Sidoo kale, waxa si gaar ah looga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in hab casri ah loogu rogo keydadka taariikhiga ah ee cajaladaha Radio Hargeysa, Telefishanka Qaranka iyo jaraa’idka kala duwan ee ku keydsan Wargeyska Dawan.
Wasiir Barkhad Jaamac ayaa madaxda hay’adaha la wadaagay in mudnaanaha qaranka ay ka mid tahay horumarinta dhaqanka iyo suugaanta, isagoo xusay baahida loo qabo dhismaha tiyaatar weyn oo lagu qabto madadaalada, isla markaana lagu kobciyo afka iyo suugaanta.
Markii kulanku soo dhammaaday, mas’uuliyiintu waxa ay kormeer ku tageen keydadka cajaladaha ee Radio Hargeysa, Telefishanka Qaranka iyo Wargeyska Dawan, si ay u qiimeeyaan xaaladda keydka iyo fursadaha lagu horumarin karo.
Kulanka waxa Wasiirka ku weheliyay Wasiir-ku-xigeenka Mudane Muuse Askar Guuleed, Agaasimaha Guud Cabdisalaan Maxamuud Ducaale, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka, Agaasime-ku-xigeenka Waaxda Dhaqanka, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha iyo Agaasime-ku-xigeenka Waaxdaas.
Dhanka kale, Hay’adda DT Global waxa ka socday Mukhtaar Yuusuf Cismaan, oo ah Maamulaha Mashaariicda, iyo Muna Axmed Cumar, oo ah Madaxa mashruuca ay hay’addu ka fulinayso Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Waaxda Dhaqanka.
Sidoo kale, Hay’adda SDC waxaa ka socday wefti heer sare ah oo fadhigoodu yahay Nairobi, ayna hoggaaminaysay Madaxa Hay’addaasi Mss Martina, iyo Bihawa oo iyaduna ah madaxa qaybta Dhaqanka ee Hay’adda SDC.
Waxaana ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay taageeridda mashaariicda horumarinta dhaqanka, ilaalinta dhaxalka iyo casriyeynta keydka warbaahinta qaranka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta mashaariicda la xidhiidha horumarinta dhaqanka iyo casriyaynta kaydadka taariikhiga ah ee Somaliland.






