War-murtiyeed ka soo Baxay Shirka Guddiga Isku-dubaridka Amniga Badda Cas.

Hargeysa- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qabatay shirkii rubuc-sannadlaha ahaa ee Guddiga Isku-dubaridka Amniga Badda, kaas oo ka qabsoomay Hargeysa.

Sida Lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkan oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), Iyadoo shirkaas diiradda lagu saaray xaaladda amniga badda, khataraha soo kordhaya, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha amniga si wax looga qabto isbeddellada ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxa la bayaamiyay muhiimadda istaraatiijiyaddeed ee Somaliland oo leh xeeb ka badan 850km, isla markaana ku taalla marin ganacsi oo caalami ah, iyadoo sidoo kale la tibaaxay dedaallada lagula dagaallamayo tahriibka, argagixisada iyo dambiyada badda.

Ugu dambayn, shirka ayaa lagu heshiiyay xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha iyo nidaamka xog-wadaagga amniga badda, si loo taabogeliyo ilaalinta marin-biyoodka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka.