Hargeysa-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa si diirran uga mahadceliyey hambalyada iyo ducooyinka ballaadhan ee uu ka helay qeybaha kala duwan ee bulshada, kadib markii loo magacaabay xilkaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in taageeradaasi ay muujinayso kalsoonida shacabka ay ka filayaan, isla markaana ay ku dhiirrigelinayso inuu si hufan u guto waajibaadka culus ee qaranku u igmaday.
Wasiirka cusub ee Warfaafintu wuxuu tibaaxay in xilka loo dhiibay uu yahay masuuliyad weyn oo u baahan karti, hufnaan iyo daacadnimo, isaga oo tilmaamay in amanadaasi ay tahay mid uu si buuxda u qaadi doono, isla markaana uu rajada shacabka ka dhigi doono hagaha shaqadiisa.
Sidoo kale, waxa uu iftiimiyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo gudbinta codka Qaranka Somaliland, isaga oo sheegay in warbaahinta qaranku leedahay door muuqda oo ku wajahan metalaadda sumcadda iyo aragtida dalka.
Wasiir Barkhad Jaamac waxa uu Alle ka baryey inuu u fududeeyo gudashada xilka culus ee loo igmaday, kana dhigo mid si hufan uga soo baxa waajibaadka qaran, isaga oo xusay in guusha dhabta ahi ku timaaddo wada-shaqayn, kalsooni iyo isku-duubnida bulshada.

