Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Hoose AxmedIsmaaciilCabdi, la taliyayaal ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Guddoonka Waxbarashada gobolka Togdheer iyo masuuliyiin ka socday hay’adda SCI, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay dugsiyada hoose/dhexe ee magaalada Burco.
Kormeerkan oo ujeeddadiisu ahayd, u kuur-gelidda xaaladaha waxbarasho ee ka jira dugsiyada magaalada Burco, qiimaynta tayada waxbaridda waxbarashada, iyo sidoo kale in si toos ah loo ogaado baahiyaha ka jira dugsiyada si loo helo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu horumarin karo adeegyada waxbarasho.
Intii uu socday kormeerku, wasiirka iyo waftigiisu waxay booqdeen fasallo kala duwan, iyagoo la kulmay ardayda iyo macallimiinta, isla markaana indha-indheyn ku sameeyay habka wax dhigista, joogitaanka ardayda iyo agabka waxbarasho ee yaalla dugsiyada.
Sidoo kale, waxay dhageysteen warbixino kooban oo ay soo jeediyeen maamulayaasha dugsiyada, kuwaas oo ka war-bixiyay xaaladaha jira, caqabadaha haysta iyo baahiyaha mudan in wax laga qabto.



