Hargeysa – Agaasimaha Madxafka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirisaq Maxamed Faarax (Gaafo), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay aqoonyahan Cumar Cabdi Iidan oo ka tirsan hay’adda Sharjah Institute for Heritage.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada ilaalinta hidaha iyo dhaqanka, iyada oo la isla gorfeeyey doorka muhiimka ah ee madxafyadu ku leeyihiin kaydinta iyo soo bandhigga taariikhda ummadaha.
Aqoonyahan Cumar Cabdi Iidan ayaa bogaadiyey shaqada uu Madxafka Qaranka Somaliland ka hayo ilaalinta dhaxalka taariikheed iyo dhaqameed, isaga oo muujiyey sida ay muhiim u tahay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta caalamiga ah ee arrimaha hidaha.
Dhinaciisana, Agaasime Cabdirisaq Maxamed Faarax (Gaafo) ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashi lala yeesho hay’adaha caalamiga ah, si kor loogu qaado horumarinta madxafka iyo barnaamijyada la xidhiidha dhaqanka iyo taariikhda.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadista wada-shaqaynta iyo hirgelinta barnaamijyo wadajir ah oo mustaqbalka dhow la fulin doono.


