Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Ergaygii hore ee IGAD.

Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan sharafeed Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Ergaygii hore ee IGAD, Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Geeska Afrika, arrimaha amniga, isbeddellada gobolka, iyo muhiimadda xoojinta iskaashiga si loo helo nabad iyo horumar waara.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey doorka Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo tilmaamay in Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo deggan.

Danjire Afey ayaa bogaadiyey horumarka Somaliland ee nabadda iyo dawlad-dhiska, isaga oo xusay inay tusaale u tahay dalalka gobolka.

Sida oo kale, waxa uu sheegay in uu soo bandhigi doono buug ka hadlaya waayo-aragnimadiisa nabad-dhisidda Geeska Afrika.Kulanka waxaa sida oo kale ka qayb galay masuuliyiin iyo ganacsato danaynaya maalgashiga, gaar ahaan adeegyada caafimaadka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ), ๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐