Tallaabada Xigta ee Aqoonsiga Somaliland: Amniga Ayaa ah Muhiimadeena Koowaad.

W/Q: Ugbaad Xasan

Markii ay Somaliland u dhaqaaqday xilligan cusub ee aqoonsiga iyo sharciyad ah, dib u qiimaynta mas’uuliyadaha dawladnimo waa kuwo aan la iska indho tiri karin.

Aqoonsigu ma aha kaliya dhawaaq, waxa uu u baahan yahay qaab-dhismeed, isku halleyn sarreeysa oo dhanka amniga ah. Somaliland, xilligan waxa hortaala fursad iyo caqabad degdeg ah:

in dib looga fikiro oo la xoojiyo habka amniga qaranka wakhtigan oo muuqaalka siyaasadeed dalka iyo caalamku si degdeg ah isu beddelayaan.Geeska Afrika kuma cusba xasillooni darradu.

Iyada oo xuduudo la wadaagta Jabuuti iyo Itoobiya, Somaliland waxa ay ku taal gobol ay xiisado siyaasadeed, qulqulka socdaalka iyo khataraha xuduudaha ka baxsan u baahan yihiin feejignaan joogto ah.

Aqoonsiga dawladnimadu keliya kor uma qaadayso filashooyinka beesha caalamka ee sidoo kale waxay saamaynaysaa muwaadiniinteeda.

Somaliland la aqoonsan yahay waa in ay u dhaqanto si xaqiiqo ah, taasina waxa ay ka bilaabmaysaa xakamaynta xuduudaha.

Xakamaynta xuduuddu xilligan ma aha ikhtiyaar, waa aasaas. Ogaanshaha cidda soo gelaysa ama ka baxaysa waddanka waa shaqo aasaasi ah oo qaran kasta oo madaxbannaan leh shardiga koowaad ee xaqiijinta sharciyadiisa muujinaysa.

Haddii aan tani jirin, dadaalka lagula dagaallamayo tahriibka, ka hortagga gudbinta sharci darrada ah iyo la socodka khataraha suurtagalka ah ayaa si weyn u koobnaanaya.

Xoojinta meelaha kontoroolka, maalgelinta shaqaale tababaran iyo dhigista nidaamyo casri ah oo lagula socdo hadda ma aha tijaabo, waa lama huraan.Hase yeeshee amnigu kuma koobna xuduudaha.

Waa in uu gaadho gudaha bulshada. Diiwaan gelin qaran oo dhammaystiran waa lama huraan. Qof kasta oo ku nool Somaliland waa in lagu diiwaangeliyo nidaam dhexe.

Tani maaha kantaroolid dhaqdhaqaaq, ee waa caddayn iyo ilaalin.

Diiwaanka noocan ah oo si wanaagsan loo xafiday ayaa u oggolaanaya dawladaha in ay si waxtar leh uga jawaabaan dhibaatooyinka, adeegyada si hufan u bixiyaan, isla markaana hubiyaan in qofna uusan ka baxsanayn adeegyadda dawladda.

Sidoo kale waa muhiim ah in la diyaariyo nidaam cinwaaneed, sababtoo ah, xilligan maqnaanshaha cinwaanno rasmi ah oo loogu talagalay guryaha, ganacsiyada iyo dhismayaasha dadweynaha keliya kuma abuuraysaa caqabado aan loo baahnayn, amniga balse, sidoo kale horumarka guud ee dalka.

Samaynta nidaam cinwaaneed oo dalka oo dhan ah waxuu xoojin doonaa wax kasta laga bilaabo ka jawaabista caqabadaha degdegga ah ilaa cashuur-ururinta, bilayska iyo qorshaynta magaalooyinka.

Waa tallaabo fudud laakiin isbeddel weyn u ah maamul casri ah.Ilaalinta dhaxalka qadiimiga (Aasaarta) iyo khayraadka Somaliland waa in ay u noqoto mudnaan koowaad qaab-dhismeedkan amniga dalka.

Goobaha qadiimiga ah waa dhaxal ka mid ah taariikhdeenna qanniga iyo qadiimiga ah. Nasiib darrose, xilligan waxay u nugulaan karaan xatooyo ama dayacaad.

Khayraadka dabiiciga ah sidoo kale waxa uu u baahan yahay kormeer si looga hortago ka faa’iidaysiga (tusaale ahaan dahabka Sanaag) loona hubiyo in ay faa’iido u leeyihiin qaranka guud ahaan.

Amniga macnahaani ma aha oo kaliya difaac, ee waa ilaalin iyo mas’uuliyad.Si loo taageero qorshayaasha sarre oo dhan, waaxyaha dawladda waa in ay horumaraan. Nidaamyo kala qaybsan iyo diiwaan gelin duuga ah ee xilligan kuma ku filnaan doonto u adeegida dawlad casri ah.

Waxa ay Somaliland u baahan tahay waa hanaan isku xidhan oo firfircoon oo xog-ururin ah oo isku xidha aqoonsiga, degenaanshaha, hantida iyo dhaqdhaqaaqa.

Xog-ururintani waa in ay noqdaan kuwo sax ah, si joogto ah loo cusboonaysiiyo oo ay heli karaan hay’adaha qaabilsan dhamanatood. Kaliya markaas ayaa siyaasadda gudaha Jamhuuriyadda Somaliland u beddeli karnaa ficil waxtar leh.

Ugu dambayn, aqoonsigu ma aha dhammaadka, ee waa bilowga. Somaliland hadda waxay fursad u haysataa in ay dhisto dawlad ammaan ah, habaysan oo casri ah. Laakiin tani waxa ay u baahan doontaa go’aamo adag, maalgelin iyo isbeddel maskaxeed. Amniga waa in aan hadda loo arkin tallaabo ka falcelin, balse noqoto aasaas firfircoon oo xasillooni iyo koritaan ah horseeda.

Hoggaaminta go’aan qaadashada leh iyo ka go’naanshaha, madaxda dawladda Somaliland waxa ay u rogi kartaa xaalada xilligan horumar waara.

Qalabka iyo khibrada fursaha u ah isbedelada sare ayaa la heli karaa, haddaba, imika waa waqtigii la dhaqaajin lahaa qorshayaasha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland horumarkeeda furaha u ah.

Ugbaad Xassan- aqoonyahanad si weyn ugu dooda qadiyadda madaxbanaanidda Jamhuuriyadda Somaliland, dalka Netherlands.