Hargeysa-Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa Hargeysa ku qabatay shir muhiim ah oo dib loogu eegayo Xeerka Lahaanshiyaha Dhul-beereedka (Xeer Lr. 08/99), kaasi oo lagu falanqaynayay kaabis iyo wax ka beddel lagu casriyeynayo xeerkaas.
Shirka waxa furay Wasiirka Beeraha JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, waxaana ka qayb-galay khuburrada wasaaradda, daneeyayaasha beeraha, hay’adaha taageera horumarinta iyo WFP.
Masuuliyiinta shirka ka hadlay ayaa sheegay in dib-u-eegista xeerkan looga golleeyahay sugnaanta lahaanshaha dhul-beereedka, yaraynta khilaafaadka, dhiirigelinta maalgashiga iyo in si hufan loo isticmaalo dhulka wax-soo-saarka.
Xidhiidhiyaha mashruuca WFP ee Wasaaradda Beeraha, Cabdiqani Xasan Cabdi, ayaa sheegay in xeerka la doonayo in laga dhigo mid casri ah oo la jaanqaada baahida beeraleyda, isla markaana wax ka taraya caqabadaha ka jira lahaanshiyaha dhulka.
Sidoo kale, Agaasimeyaal iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa adkeeyey muhiimadda uu xeerkani u leeyahay horumarinta beeraha dalka.
Wasiirka Beeraha ayaa si rasmi ah u furay shirka, isagoo uga mahadceliyey WFP taageerada ay siiso horumarinta beeraha iyo kor u qaadista nidaamka xeerarka.

