Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sh. Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mr Cabdalle Maxamed Yuusuf, ayaa maanta kulan la qaatay saraakiil sarsare oo ka socotay UNICEF.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adda UNICEF, gaar ahaan arrimaha bulshada, wacyigelinta, iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.
Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada shaqaynta si loo horumariyo adeegyada bulshada .
waxana Kulankaasi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo Agaasimaha Guud ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda SAKADA ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Cabdikariin Xuseen Idle .



