WADDANI oo Xoojinaya Ka-qaybgalka Haweenka iyo Dhalinyarada, Wefti Reer Norway ahna Qaabilay.

Hargeysa-Hoggaanka sare ee xisbiga talada dalka haya ee WADDANI ayaa xarunta dhexe ee xisbiga ku qaabilay wefti ka socda xisbiga Liberal Party of Norway, oo ay wehelinayaan madax ka tirsan ururka YEEL Development Organization, kuwaas oo fulinaya mashruuca WOMPOL ee diiradda saaraya ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo dhalinyarada.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa weftiga siiyey warbixin ku saabsan horumarka nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo dadaallada xisbiga ee lagu xoojinayo ka-qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada.

Waxa uu xusay in arrintani ay door muuqda ka qaadatay barnaamij siyaasadeedkii xisbiga iyo hirgelintiisii.

Sidoo kale, guddoomiyuhu waxa uu ku baaqay in si dhab ah loo wajaho caqabadaha hortaagan haweenka, isaga oo adkeeyey in xukuumaddu ay ka go’an tahay inay qaadato doorkeeda ku aaddan horumarinta ka-qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada ee siyaasadda dalka.