Madaxweynaha Somaliland oo Aasaasay Hay’adda Hawl-gabka Ciidanka.

Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Xeer Madaxweyne ku aasaasay Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Ciidammada Qaranka JSL.

Hay’addan cusub ayaa u xilsaaran daryeelka iyo xaqsiinta ciidamada kala duwan ee qaranka marka ay hawlgab noqdaan, iyadoo la hubinayo in ay helaan xuquuqdooda dhaqaale iyo daryeel nololeed.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay kor u qaado niyadda iyo kalsoonida ciidamada, isla markaana xoojiso nidaamka maamul iyo daryeel ee hay’adaha amniga.

Aasaaska hay’addan ayaa qayb ka ah dadaallada xukuumadda ee lagu horumarinayo adeegyada ciidanka iyo ilaalinta xuquuqdooda mustaqbalka.