Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL 𝐌𝐝. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐞𝐧 ayaa furay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan kor-u-qaadista awoodda kormeerka maaliyadeed (𝐅𝐢𝐝𝐮𝐜𝐢𝐚𝐫𝐲 𝐎𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐠𝐡𝐭) iyo xoojinta la-dagaallanka musuqmaasuqa ee mashaariicda uu maalgeliyo Bangiga Adduunku.
Aqoon-is-weydaarsigan ayey ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo hannaanka maamul-wanaagga, isla markaana sidii loo horumarin lahaa isla xisaabtanka iyo ilaalinta hab-raacyada maaliyadeed ee mashaariicda horumarineed si loo xaqiijiyo in si haboon loo maareeyey.
Munaasabadda furitaanka waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka kala tirsan hay’addaha Dawladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga, toban Agaasime Guud oo ka kala socday hay’addaha Dowladda, Isu-duwayaasha mashaariicda Bangiga Adduunka iyo masuuliyiin kale.
Inta uu socdo aqoon-is-weydaarsigu, waxa diiradda lagu saari doonaa xoojinta fahamka ka qaybgalayaasha ee hababka kormeerka maaliyadeed, aqoonsiga khataraha musuqmaasuqa iyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagaga hortagayo isla markaana lagu yaraynayo khaladaadka maamul iyo kuwa maaliyadeed.
Wajiga koowaad ee tababarkan ayaa si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Hargeysa, halka wajiga labaad la qorsheeyey inuu ka qabsoomo magaalada Nairobi, si loo sii xoojiyo aqoonta iyo is-weydaarsiga khibradaha heer caalami.




