Hargeysa-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa guddi heer qaran ah u saaray xal u helidda khilaafka ka taagan University College of Health Science Burco, kaasi oo saameeyay maamulka iyo hawlaha jaamacadda.
Guddidan ayaa si degdeg ah u bilaabay hawlahooda, iyaga oo diiradda saaraya dejinta xaaladda, hubinta in la ilaaliyo nidaamka waxbarashada, iyo xal u helidda khilaafka si waafaqsan shuruucda dalka.
Waxyaabaha la isla gartay waxaa ka mid ah in Jaamacaddu tahay hanti qaran iyo jaamacaddu sii waddo adeegyada ay bulshada u hayso, in Golayaasha sare ee jaamacaddu qaataan door hoggaamineed, isla markaana la joojiyo tallaabo kasta oo carqaladayn karta habsami u socodka waxbarashada.
Xukuumaddu waxay mar kale adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta tacliinta sare iyo xasilloonida hay’adaha waxbarashada, iyadoo guddidanna laga sugayo in ay si dhakhso leh u keenaan xal waara.
Guddidan ayaa ka kooba, wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Caafimaadka iyo gudoomiyaha Komishanka Qaran ee Tacliinta Sare.


