Hargeysa- Wasiir kuxigeenka ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Askar Guuleed, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Tifaftiraha Guud ee warbaahinta The Advocate Post Abdul Rafay Afzal, waxana kulankaasi lagaga hadlay xoojinta iskaashiga warbaahinta iyo horumarinta warbaahinta.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta istaraatiijiga ah ee u dhexeysa warbaahinta caalamiga ah, si loo kobciyo baahinta warar sax ah iyo dhisida aragti togan ee warbaahinta dalka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla qaatay in iskaashiga warbaahintu uu door weyn ka qaato kor u qaadidda hufnaanta, fahamka dhaqamada kala duwan, iyo taageeridda horumar waara, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta dhinaca warbaahinta iyo wada xidhiidhka caalamiga ah.

