Jamhuuriyadda Somaliland oo Maraykanka u bandhigtay heshiis istiraatiiji ah.

Hargeysa-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa bishii Feberwari 2026 sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Maraykanka siiso heshiisyo gaar ah oo ku wajahan dhinaca macdanta muhiimka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa naadirka ah ee ay ka mid tahay lithium iyo macdano kale oo muhiim ah tiknoolajiyadda iyo difaaca.

Sidaasna waxa lagu baahiyay war caawa Lagu daabacay degelka taageereyaasha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee baraha bulshada oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxana Lagu xusay in Somaliland ay Saldhig millatari u ogolaanayso Maraykanku inuu kaxsamaysto magaalo xeebeeda Berbera.

Degelka taageereyaasha Madaxweyne Trump waxa lagu xusay in Tallaabadani ay imanayso xilli Somaliland si xoogan ugu ololeynayso in si rasmi ah u hesho Aqoonsi caalami ah.

Dalka Israaโ€™iil ayaa hore u qaaday tallaabadaas dabayaaqadii December 2025, isaga oo noqday dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan, arrintaas oo uu ku sababeeyay danaha amni wadaagga ee gobolka Badda Cas.Dekedda Berbera waxay ku taallaa meel aad u istiraatiiji ah oo u dhow marinka Bab el-Mandeb, halkaas oo ay maraan qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga iyo shidaalka adduunka.

Iyadoo xiisadaha ka taagan Khaliijka ay kordhayaan isla markaana marinada ganacsigu u wareegayaan dhinaca Badda Cas.

Somaliland waxay muujistay inay tahay inay tahay bahwadaag xasiloon oo lagu kalsoonaan karo, taas oo ka duwan Soomaaliya oo weli la daalaa dhacaysa colaado iyo nidaam-darro.

Warsididaha taageereyaasha Madaxweynaha Maraykanku waxay iftiimiyeen in Tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991, kadib burburkii midowgii Soomaaliya ee ku dhammaaday tacaddiyo, waxay ku guulaysatay inay ilaaliso nabadgelyada, isla markaana ay qabatay doorashooyin, dhistayna hayโ€™ado dowladeed, isla markaana yeelatay lacag iyo xuduudo ay iyadu maamusho.