Hargeysa-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐, oo uu weheliye Taliye ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, ayaa maanta Tababar u soo xidhay qaar ka mid ah ciidanka nabad gelyada wadooyinka, oo lagu tababaray Nidaamka Casriga ah ee Tiknoolajiyada iyo Media-yaha oo mudo u socday.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, ayaa ku booriyay Ciidanka Nabad-gelyada Wadooyinka aqoontii ay barteen mudadii uu socday Tababarku, in ay ku dabaqaan Shaqada ay hayaan, nidaamka Casriga ah ee Tiknoolajiyada.
Wasiirku waxa uu sheegay in aqoonta casriga ah ee Tiknoolajiyada uu caalamka u guuray, sidaa daraadeedna ay xukumadu la jaan qaadayso nidaamka casriga ah ee Tiknoolajiyada,


