Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Ceerigaabo Kulan Nabadeed kula Yeeshay Waxgaradka Bariga Sanaag.

Ceerigaabo – Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Siciid Sheekh Maxamed Buraale, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Cali Jaamac Bureed, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa magaalada Ceerigaabo kulan muhiim ah kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka bariga gobolka Sanaag.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadda, adkaynta wadajirka bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya bulshada iyo dawladda, si loo abuuro jawi xasilloon oo horseeda horumar waara.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay qorshayaasha la xidhiidha horumarinta magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, oo ay ka mid yihiin horumarinta adeegyada bulshada, hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo dhiirrigelinta mashaariicda wax soo saarka iyo ganacsiga ee gobolka.

Intii uu socday kulanka, wasiirrada iyo odayaasha ayaa isla qaatay in la dhiso guddi kooban oo si gaar ah uga shaqeeya horumarinta magaalada Ceerigaabo iyo xoojinta nabadda.

Guddidan ayaa la filayaa inay isku xidhaan dedaallada bulshada iyo dowladda, isla markaana kormeeraan hirgelinta mashaariicda horumarineed ee gobolka.

Wasiirrada ayaa sidoo kale ku booriyay bulshada inay ka qeybqaataan dadaallada nabad-sugidda, horumarinta deegaanka, iyo ilaalinta wadajirka bulshada, si Ceerigaabo iyo guud ahaan bariga Sanaag looga dhigo meel nabdoon oo horumar iyo barwaaqo leh.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid ka tarjumaya qorshaha guud ee dawladda Somaliland ee ku wajahan xoojinta nabadda, horumarinta magaalooyinka, iyo dhiirrigelinta wadajirka bulshada, iyada oo la adeegsanayo iskaashi toos ah oo u dhexeeya bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiinta dawladda.