Hargeysa-Fagaareyaasha barkulannada laga taageero Siyaasadda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay Israel ku casuuntay inay doorkeeda ka qaadato Amniga Marin-biyoodka Badda Cas.
Warbixintan oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si rasmi ah ugu baaqday dawladda Israel inay joogitaan istaraatiiji ah ku yeellato magaalada Berbera, oo leh deked iyo garoon diyaaradeed oo ku yaalla meel aad ugu dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb.
Marin-biyoodkan ayaa isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waxaana mara qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamka ah.Sida ay warbixintani tilmaantay Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qiyaastii 15% ganacsiga adduunka, 30% gaadiidka konteenarrada, iyo ku dhawaad 10% shidaalka badda ay ka gudbaan maraan Bab Al-Mandeb.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa tilmaantay in Berbera ay leedahay kaabayaal muhiim ah oo u sahlaya inay noqoto xarun istaraatiiji ah, waxaana magaaladan ku yaalla garoonka diyaaradaha Berbera, oo leh mid ka mid ah gegooyinka ugu dhaadheer Afrika, iyo marso casri ah, taas oo lagu horumariyey maalgashi ka timid Imaaraadka Carabta.
Casuumaadda Somaliland ee ku wajahan Israel ayaa imanaysa kadib markii ay Israa’iil dabayaaqadii sannadkii tegay si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, taasina ay albaabka u furtay iskaashi amni iyo mid istaraatiiji ah oo xoogan oo dhexmara labada dal.
Warbixintan ayaa xustay in Mas’uuliyiinta Somaliland u arkaan in wadashaqeyn lala yeesho Israel iyo dalalka reer Galbeedku ay gacan ka geysan karto ilaalinta marin-badeedka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb, si looga hortago khataraha argagixisada iyo kooxaha hubeysan ee gobolka.
Taageerayaasha caalamiga ah ee hindisahan ayay warbixintu tilmaantay in kaabayaasha Berbera iyo xasilloonida Somaliland ay ka dhigi karaan goob muhiim u ah ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo sugida amniga marin-biyoodka caalamiga ah.
Warbixintaas ayaa gabo gabadii lagu sheegay in Haddii iskaashiga noocan ahi uu hirgalo ay, Berbera noqon doonto xarun muhiim u ah hawlaha amniga badda iyo ilaalinta ganacsiga caalamiga ah ee mara Badda Cas iyo Bab el-Mandeb.

