Gabiley – Guddoomiyaha Gobolka Gabiley iyo guddida gurmadka abaaraha ee gobolka ayaa qaybiyey 1,400 oo raashin ah oo loogu talagalay qoysaska ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka.
Raashinkan gargaarka ah ayaa loogu talagalay in lagu taageero dadka danyarta ah iyo qoysaska ay abaartu si weyn u saameysay, si loo yareeyo dhibaatooyinka nololeed ee ka dhashay xaaladda abaarta ee ka jirta deegaannada gobolka.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Gabiley ayaa la wareegay raashinkan, iyagoo mas’uul ka noqon doona gaadhsiintiisa qoysaska ay abaartu saamaysay ee ku nool degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaadda gobolka.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada gurmad ee lagu caawinayo bulshada ay abaartu saamaysay, iyagoo xusay in ay sii wadi doonaan shaqada lagu gaadhsiinayo gargaar dheeraad ah dadka u baahan.



