Shirkadda Genel Energy oo 1, 030 Booyadood oo Biyo ah ugu Deeqday Bulshada Abaaraysan ee Togdheer iyo Saraar.

Burco- Shirkadda shiidaal baadhista ee Genel Energy ayaa kun iyo soddon booyadood oo biyo ah u kala dirtay dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Saraar.

Xafladii deeqdaas biyaha Lagu kala dirayay oo lagu qabtay Magaalada Burco-, waxa ka soo qaybgalay Wasiir kuxigeenka ahna Wasaaradda Warfaafinta ahna ku simaha Wasiirka iyo Guddoomiyeyaasha gobollada Togdheer iyo Saraar.

Guddoomiyaha Shirkadda Genel Energy ayaa sheegay in deeqdan biyaha ah oo ay ugu talogaleen gobollada Togdheer iyo Saraar loo asteeyay qoysaska abaartu samaysay.

Waxaanu bulshada ku dhaqan gobolladaas ka dalbaday in ay Shirkadda la shaqeeyaan sannadka fooda innagu soo haya oo ay bilaabo doonaan hawlo shiidaal qodis ah.

Guddoomiyeyaasha gobollada Togdheer iyo Saraar ayaa SI weyn ugu mahadceliyay Shirkadda Genel Energy iyo Wasaaradda Tamarta iyo macdanta oo kala shaqeysaye deeqdaas biyaha ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Kusimaha Wasiirka Muuse Askar Guulleed ayaa ku ammaanay shirkadaas iyo Wasaaradda macdanta deeqda biyaha ah oo uu tilmaamay in loo qaybin doono qoysaska abaaraysan ee ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Saraar.

Wasiir Muuse Askar wuxuu ugu baaqay bulshada Gobolka Togdheer inay soo dhaweeyaan shirkadaha maalgashiga ee ka shaqeynaya horumarinta dalka.