Wasiirka Caafimaadka oo la Kulmay Mas’uuliyiinta UNICEF.

Hargeysa-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, isla markaana ay qayb ka ahaayeen Agaasimaha Guud Dr. Axmed Maxamuud Jaamac iyo Agaasime-waaxeedyada kala duwan, ayaa shir heerkiisu sarreeyo la yeeshay madaxda ugu sarraysa ee hayโ€™adda UNICEF, oo uu hoggaaminayay Madaxa Hawlgelinta iyo Xaaladaha Degdegga ah, Mads Oyen, kana mid ahaayeen masuuliyiin kale oo xilal sare ka haya hayโ€™adda.

Kulankan istiraatiijiga ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo sare u qaadista wada-shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda iyo UNICEF, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, nafaqada, barnaamijyada tallaalka, iyo u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah.

Maamulka sare ee Wasaaradda ayaa la wadaagay hayโ€™adda qorsheyaasha iyo mudnaanaha wasaaradda, iyaga oo si cad u qeexay jihada horumarineed ee waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Siyaasadda Caafimaadka Qaranka, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana waara.

Dhankooda, madaxda UNICEF ayaa si diirran u soo dhoweeyey kulankan oo ku soo beegmay xilli muhiim ah, iyaga oo muujiyey sida ay uga goโ€™an tahay sii xoojinta iskaashiga dhow iyo taageerada farsamo ee ay siiyaan Wasaaradda, si loo gaadho yoolalka horumarineed ee la hiigsanayo.