Somaliland: Shabakad Lagu Eedeeyay Khalkhalgelin oo La Qabtay & Xukuumadda Digniin Adag Dirtay.

Hargeysa-Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa shaaciyay in ciidammada ammaanku ay gacanta ku dhigeen shebakad lagu eedeeyay in loo adeegsanayay qorshe lagu khalkhalgelinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubnaha shebakaddaasi ay hadda ku jiraan gacanta hay’adaha ammaanka, isla markaana uu socdo baadhitaan rasmi ah oo lagu ogaanayo faahfaahinta falalka lagu tuhunsan yahay iyo cid kasta oo ku lug leh.

Wuxuu caddeeyay in xukuumaddu aanay marnaba u dulqaadan doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo nabadda iyo kala dambaynta Jamhuuriyadda Somaliland.“Ciidammada Ammaanku waxay qabteen shabakad la soo maleegay oo loo adeegsanayo khalkhalgelinta dalka. Way xidhan yihiin, baadhitaanna wuu ku socdaa. Xasan Sheekh (Madaxweynaha Soomaaliya) ayaana u horreeya kuwa soo adeegsanaya,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in kor u kaca mustawaha caalamiga ah ee Somaliland uu sii xoojinayo dedaallada lagu difaacayo jiritaanka iyo qaranimada dalka.

Wasiir Cabdalle Maxamed Carab waxa uu xusay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro sannadkii koowaad ee muddo-xileedkiisa ku tallaabsaday horumar la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in tan iyo markii Israel ay aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland uu kordhay doorka istaraatiijiga ah ee ay Somaliland ku leedahay Geeska Afrika, taasoo sare u qaadday miisaankeeda siyaasadeed iyo midka diblomaasiyadeed ee gobolka.