Hargeysa-Mas’uuliyiin sare oo ka kala tirsan Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maraykanka, ayaa ka wada hadlaya arrimo muhiim ah oo laga yaabo in ay horseedaan aqoonsi uu Maraykanku siiyo Somaliland mustaqbalka.
Sida ay werisay warbaahin ku hadasha afka Cibraaniga oo lagu magacaabo Srorogim, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, Wadahadalladan ayaa la xusay inay sii xoogeysteen, kadib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qarammada Midoobay ee Somaliland si rasmi ah u ictiraafa, taasoo isbeddel diblomaasiyadeed ka dhalisay Geeska Afrika.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in maamulka Maraykanku uu dib u eegayo siyaasaddiisii muddada dheer jirtay, isla markaana ay jiraan wada-hadallo ku saabsan qaab iskaashi istiraatiiji ah oo uu la yeesho Somaliland.
Inkasta oo Aqalka Cad aanu si rasmi ah u xaqiijin, haddana waxa la sheegay in qorshayaal ay socdaan oo diiradda saaraya danaha amni, ganacsi iyo maalgashiga kheyraadka ee dhex mari kara Somaliland iyo Maraykanka.
Somaliland ayaa dhinaceeda soo bandhigtay fursado iskaashi oo ay ugu muhiimsan yihiin xidhiidh ganacsi oo shirkadaha Maraykanka ay yeeshaan, ka faa’iidaysiga kheyraadka dihin ee Somaliland oo ay ka mid tahay macdanta naadirka ah oo la rumeysan yahay inuu ku jiro dhulka Somaliland, iyo suurtogalnimada in Maraykanku saldhig milatari ka sameysto xeebaha Badda Cas.
Warku wuxuu intaas ku daray in Saldhig Maraykanku ku furto Somaliland uu muhiim u noqon karo ilaalinta marinka Bab el-Mandeb oo ah marin istiraatiiji ah oo ganacsiga caalamku maro.Dhaqdhaqaaqyadan ayaa loo arkaa tallaabo siyaasaddeed oo wax weyn ka beddeli karta xidhiidhka Somaliland iyo dunida, inkastoo weli aan la gaadhin heshiis rasmi ah.

